|

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay ku jiraan Ajaaniib oo gacanta lagu soo dhigay

Kismaayo 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab kadib howlgalo balaraan ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo.

 

ragi_1Saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa soo bandhigay xubno katirsan Al-Shabaab iyo hub ay wateen kuwaa oo lagu soo qabtay duleedka magaalada Kismaayo, waxaana ragan la qabtay la sheegay in ay u qaabilsanaayeen Shabaab dilalka Qorsheesan iyo Qaraxyada.

 

ragi_2Mid kamid ah raga lasoo qabtay ayey sheegeen Saraakiisha Amaanka Jubbaland in uu kasoo jeedo dalka Itoobiya uuna katirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa ayna tilmaameen in ragan baaritaano dheeraad ah lagu sameenayo.

 

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan howlgalo balaaran waxa ay ka wadeen duleedka magaalada Kismaayo, waxaana howlgaladan ciidamada kula wareegeen deegaano Al-Shabaab maamulayeen.

Comments are closed