|

Dal Maalin dhan ka takhalusay si ay isku xili u noqdaan dunida ay ganacsi wadaagaan

Apia Dec 31,2011(qurbejoog.com)-Dalka Jaziirada ah ee Samoa ayaa maalin ka saaray tariikhdiisa si uu u noqda dalka ugu horeeya ee dunida soo dhaweeya sanadka cusub halka uuu hore uga ahaa ka ugu danbeeyay.

Samoa ayaa gebi ahaanba ka tilaabsaday December 30 si ay sanadka cusub uun u soo dhaweyso.

Waxa jira iyana in dalkaasi uu xidhiidh ganacsi la leyahay dalal Mareykanka iyo Australia ay ka mid yihiin uu maalin gelinkeed ka horeeyay.

Ganacsiga dalkaas ayaa la filaayaa in iminka uu kor u kaco tilaabadan ay qaadeen awgeed,

Dawlada Samoa ayaa sharci ay soo saartay bishii Juun ee kal hore goaamisay in maalinta meesha laga saaray shaqaalaha la siin doono mushaharadooda.

Talabadan Samoa ay xiliga ku bedelatay ayaa dood cusub dunida ka dhex abuuray.

Iminka ma jirto heyad caalemi ah oo xakameysa xiliyada caalemiga ah ee dunida haga.

 

Qurbejoog-Apia

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed