|

Soomaalida Minneapolis oo dibedbax ka sameeyay xanibaada Xawaaladaha

Minneapolis Dec 31,2011(qurbejoog.com)-Boqolaal ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ayaa shalay isu soo bax weyn ku muujiyay sida ay uga xun yihiin xanibaada dadban ee lagu soo rogay Xawaaladaha.

Soomaalida ayaa  sitay sawiro muujinaya sida ay eheladooda dalkii ku nool goaankan u saameeyn doono.

Sawirada qaar ayaa ahaa kuwo dad Macaluuli ka muuqato ahaa oo leh “Mareykanka ayaa iga hortaagan quudinta”.

Xanibaadaha ayaa ka dhashay ka dib kolkii dawlada Mareykanku adkeysay shuruucdii lacagaha la diro.

Taasina waxa ay keentay in mudo dheer la xalin kari waayo werwer soo wejahay Baanka qudha ee Xawaaladahu istcmaali jireen.

Flanklin Sunrise oo xaruntiisu tahay Minneapolis ayaa bishan 30keedii joojiyay qabashada lacagaha xawaaladuhu soo ururiyaan

Soomaalida Mareykanka ayaa Khamiistii ku soo toosay iyada oo aaney jirin wax xawaalad ah.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed