Hargeysa:Nov,19,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal dheer oo ay ku masaxayso Hantaago ay gacanteeda ku geysatay oo ka dhalatay Dhibkii dhawaan Baarlamaanka ka dhacay u dirtay caalamka.
Farriintan oo maalintii Isniintii ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu dirtay, ayaa caalamka Gacanta dhaw siiyo somaliland lagu wargeliyey in arrintii Golaha Wakiillada ay Guurtidu gacanta ku Hayso, isla-markaana la filayo in dhawaan ay kasoo Bixi doonaan Turxaan Bixin Buuxdaa.
Waxa kale oo Qoraalkan lagu sheegay in khilaafkaasi aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Doorashada dalka ka qorshaysan Sanadka soo socda, maadaama sida la sheegay xukuumaddu diyaarisay Wixii shardi ahaa ee dhinaceeda ku xidhnaa.
“Xukuumadda Somaliland waxay ku kalsoon tahay in dhexdhexaadinta Golaha Guurtida ay ka dhalan doonto natiijo ah in heshiis siyaasadeed lagu dhammeeyo khilaafka Wakiillada si meesha looga saaro waxyaabaha salka u ah kala qaybsanaanta mudanayaasha.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu u dammaanad qaadayaa beesha caalamka in dalka Somaliland dhaqan iyo caado u leeyahay, rikoodh fiicanna uga yaal in wadahadal iyo isku tanaasul hannaan nabadeed ku salaysan lagu xalliyo khilaafyada dhasha, hawshaas dhexdhexaadinta ah oo ay inta badan gacan ka geystaan Golaha Guurtidu.” Ayaa lasii raaciyey Warka wasiir biixi.
“Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu cambaaraynayaa rabshadaha sababay dhacdooyinkii masiibada ahaa ee ka dhacay Burco (Sabtidii), waxaannu ku rajo weyn yahay in xal lagu wada qanco laga gaadhi doono khilaafka Golaha Wakiillada maalmaha soo socda, waxayna xukuumadda Somaliland u dammaanad qaadaysaa muwaaddiniinteeda iyo beesha caalamka in aannu khilaafka Golaha Wakiilladu minjo-xaabin doonin nabadgelyada iyo xasilloonida qaranku ku gaadhay shaqo aday iyo dedaal xooggan, si adagna loo ilaaliyo,” ayaa ka mid ahaa qoraalka wasiirku Gudbiyey.
Waxa kale oo Wasaaradda Khaarajigu tilmaantay in dawlad ahaan ay aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay mudaharaad ka dhacay magaalada Burco maalintii Sabtida ee toddobaadkan, “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way ka xuntahay, wayna ka soo horjeeda rabshadaha iyo dhacdooyinkii murugada lahaa ee magaalada Burco ka dhacay 15 November, kadib markii ay isku dhaceen booliska iyo mudaharaadayaal, kaasoo ay sababeen xiisadda ka dhex taagan dhinacyada isku haya Golaha Wakiillada Somaliland, khilaafkaasoo in muddo ah taagnaa, sababayna mudaharaad ka dhaca Burco iyo Ceerigaabo.
Golaha Guurtida ayaa farogelin ku sameeyey khilaafka si ay xal uga gaadhaan, iyadoo marka loo eego khibrada Guurtidu u leedahay arrintan aannu aad ugu rajo weynahay inay dhexdhexaadiyaan, xalna ka gaadhaan khilaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada.”
“Waxa Madaxweynaha Somaliland xasuusiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada inay gutaan masuuliyadda ay ummadda u hayaan, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay qabsadaan waajibaadkooda shaqo ee sharci-dejineed, shaqadoodana ka qabsadaan xeerarka loo gudbiyey ee la xidhiidha ammaanka, doorashooyinka, miisaaniyadda 2015 iyo ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxaannu madaxweynuhu ku celiyey in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in la qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u muddaysan sannadka 2015, isla markaana aanay kala qaybsanaanta mudanayaasha Golaha Wakiillada ka dhex jirtaa noqon doonin mid looga tannaasulo hannaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
