|

Daraasad : Lunsiga dakhliga soo Gala tvga qaranka Somaliland ee Aan ku Dhicin Qasnada Dawlada

Hargeysa 1Augst13(SDN) Tvga qaranku waxa uu ka midyahay haayadaha dawliga ah ee madaxa banaan, waxaa Miisaaniyada sanadkii ku baxda lagu qiyaasaa ku dhawaad sadex milyan oo doolar (3 milyan).

Hadaba tan Iyo intii tvga qaranka laga dhigay haayad ka madax banaan wasaararada warfaafinta’ ayaa Wasaarada maaliaydu waxa ay bilawday qorshayaal kor loogu qaadayo dakhliga dawlada. Waxaa ay tacrifad u gaara ku soo rogtay Wararka iyo barnaamijyada aan dawliga ahayn ee kabaxa tva qaranka   si kharash kaasi ugu xeroodaan waxaada cashuuraha bariga ee wasaarada Maaliyadu ku leedahay xarunta warfaafinta, waxaana bilaabmay nidaam baal marsan sharciga oo maareeyaha tva qaranka khadar xasan cali gaas ku urursanayo lacago dollar ah oo soo gala tvga qaranka oo ay ahayd in lagu rido qasnada dawlada.
Lacata laga qaado warka ee ku dhacda jeebaka maareeyaha
waxaa jira lacago tiro badan oo wasaarada maaliyadu u qorshaysay in laga qaado wararka kabaxa tvga qaranka ee loo siidaayo haayadaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay, jaamacadaha iyo dugsiyada ka jira dalka, waxaana tacrifadu jidaysay in halkii war ee loo siidaynayo hayad laga qaado 150$ (boqol iyo konton dollar)) hadaba hadii celcelis ahaan tvga qaranku bishii soddon haayadood u baahiyo soddon war waxa laga qaadaa bishii 4500$( afar kun iyo shan boqol oo dollar) waxaa ay is way diintu tahay lagactaasi ma ku xerootaa qasnada dawlada?

images

jawaabtu waa maya waxaa jira qorshe uu maareeyuhu u samaystay lacag qaba shadan isgoo samaystay wiil la yidhaa ismaaciil guuxaaye inuu lacagan u qaado maareeyaha oo isla markaana ugu rudo acoun maareeye khadar cali gaas uu ku leeyahay dahabshiil waxaa jira is faham la aan ka dhex taagan maareeyaha iyo wakiilka xafiiska cashuuraha bariga u fadhiya tva qaranka arintaasina ay sababtay in dhaqaale badan sidaa ku lunsado maareeyuhu, xafiiskii wasaarada maaliyaduna uu noqday mid wakiilka ku qoran lacagyar oo aan sharci ahayn uu maareeyuhu u tuuro, isgoo ka baqaya in uu warbixin u gudbiyo wasiirka maaliyada.

Dhaqaale urursigan uu tvgii qaranka ka bilaabay maareeyaha tvga qaranku maaha mid ku kooban lacagaha wararka balse waxaa jira lacata barnaamijyada laga qaado haayadahaas wasaarada maliyadu u samaysay tacrifad odhanaysan in haayadii loo siidaayo barnaamij ka kooban ugu yaraan 20mint in halkii mint laga qaado 20$ qayta dibada halka qaybta gudahana loogu dhufto 15$ hadaba hadii celcelis ahaan sodon haayadoo bishoo loo soo daayo sodon barnaamij oo midkiiba ka kooban yahay 20 daqiiqo waxaa halkii barnaamij laga qaadaa ee ka baxaya qaybta dibada taasoo hadoo 20daqiiqo lagu dhufto 20$ oo mintkii ah waxay noqonaysaa 400$ afarbol oo dolar hadoo bishii aynu ku dhufano labaadan barnaamij oo labaatan daqiiqo ka koobana waxaa bishii ay noqonaysaa marka 400$ aynu ku dhufano sodon barnaamij oo tvgu bishii baahiyo waxay noqonaysaa 1200$ kun iyo laba boqol oo dollar hadaba waxay is way diintu tahay lacagtaa adag ee laga qaado barnaamijyada ka baxa tvga qaranku ma ku dhacaan qasnada dawlada ?

jawaabtuwaa maya waayo waxaa jira qorshe baal marsan shaciga oo maareeyaha tvga qaranku khadar xasan cali gaas uu lacagtaas ugu rito jeebkiisa isgoo samaystya waraaqo invoice ah oo uu haayada ku dalaco isgoo ku dalbanaya magaciisa kadibna lacagtaas uu haayadaha kaga soo qaado magaciisa waxaanay hayd in wasaarada maaliyada qaybta u joogta wasaarada warfaafintu lacagahaas ku dalacdo haayadaha loo baahiyay barnaamijyada kala duwan ee sharcigu dhigayo in lacagas dawlada loo xereeyo balse nasiibdaro taasi majirto oo lacaaas aan kor ku soo sheenay waxay ku dhacaan jeebka maareeyahay tvga qaranka khadar xasan cali gaas.
lasoco …………qaybaha danbe ee daraasada

Comments are closed