|

Dawlada Itoobiya oo qiratay in ciidamadeedu qabsadeen

Adis Ababa Jan 01 2012(qurbejoog.com)-Dawlada Itoobiaya ayaa ka hadashay duulaanka ciidamadoodu ku soo qaadeen gobolka Hiiraan shalay.

Afhayeenka Itoobiya Barket Simon ayaa saxaafada u sheegay in ciidamadoodu galeen guddaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Shabaabka.

Barket waxa uu intaa raaciyay in ciidamadoodu iminka gacanta ku hayaan magaalada Baladweyne.

Dawlada Soomaaliya ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegtay in ay jiraan olole ka dhan ah Shabaabka oo dalka oo idil ka socda.

 

Qurbejoog-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed