|

Gaarisa oo dad sanadka cusub u dabaaldegaya lagu laayay

Garisa Jan 01 2012(qurbejoog.com)-Waxa habeenimadii xalay rag hubeysani weerar ku qaadeen goob lagu caweynayay oo ku taal magaalada Gaarisa ee woqooyi Bari Kenya.

Sida ay dad goob joogeyaal ahi saxaafada u xaqiijiyeen rag hubeysay ayaa ilaa labo ruux oo uu ku jiro ruux ilaalo ahaa ku dilay Gaarisa Xalay.

Ragan hubeysan ayaa sidoo kale dhaawacay dad kale oo ku caweynayay goobtaas lagu soo dhaweynayay sanadka cusub.

Weerarada noocan ah ayaa ku soo badanaya Kenya degaanadeeda intii ka danbeysay weerarkii ay ciidamadeedu ku qaadeen Soomaaliya.

Qurbejoog-Garisa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed