|

Dawlada Maraykan oo Duqeyn ku khaarijisay Wasiirkii maaliyada ee Kooxda Daacish

Baqdad 26,March,2016(SDN/QJ)-Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa Jimcihii shalay xaqiijisay in la dilay Wasiirkii Maaliyada ee ISIS ama ururka Khilaafada islaamiga ah ee Daacish.

isisAbdi al-Rahman Mustafa al-Qaduli ayaa hore uga soo mid ahaan jiray Al Qacidada Ciraaq isla markaana kamid ahaa hogaamiyeyaasha Shabakada Al Qacida ee qaabilsanaa xidhiidhka dibada ayaa muddooyinkii danbe ahaa Madaxa maaliyada ee kooxda Daacish, waxana lagu dilay weerar duqeyn ah todobaadkan sida uu sheegay Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Ash Carter.

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dadaal xoogleh ugu jirto inay ka takhalusto dhamaan hogaanka Daacish gaar ahaan Golaha Wasiirada ee ISIS oo dhamaantood ku dhuumaaleysanaya goobo kamid ah waqooyiga Siiriya iyo Ciraaq. Hore ayuu Maraykanka u sheegay inuu duqeyn ku dilay Madaxii hawlgalada ee ISIS.

Comments are closed