|

Dawlada o sheegtay y leysay Shabaab faro badan

Muqdisho March 28, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa ka war bixisay in ka badan 40 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka sameeyeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Xarakada Al-shabaab ee gobahaa ku sugan ayaa qorsheynayay inay weerar ku qaadaan degmada Xarardheere.

Sidoo kale, in ka badan 35 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Fiiqaay oo qiyaastii 15-KM u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu beegsaday dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma.

Sidoo kale, lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay, iyadoo saddex kalena lagu dhaawacay weerar lala beegsaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ku dhow degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab, sida ay dowladda ku sheegtay warsaxaafadeedka.

Comments are closed