|

Puntland oo ka hortimi waxkabedelka Dastuurka dalka

Garoowe March 26, 2024 (QJ) -Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay aad uga soo horjeedaan isla markaana ay diidan yihiin isku dayga lagu doonayo in wax looga bedelo Dastuurka Federaalka, si loo ilaaliyo mabaadi’da asaasiga ah iyo haykalka dowladnimo ee Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu muujiyey hubanti la’aan ku saabsan sharci ahaanshiyaha wax ka bedelka dastuurka, iyadoo lagu caddeeyay in Puntland aan lagu matalin golaha wada tashiga qaranka oo arinkan u xilsaaran.

Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isku dayayso in ay wax ka beddelaan Dastuurka Federaalka ah oo aan la isku raacsanayn, taas oo khatar gelin karta midnimada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed, sida ku cad qodobada Dastuurka Federaalka ee hadda jira, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Puntland waxa ay iftiimisay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan lahayn awood ama qaab sharci oo ay ku meel mariyaan dastuur cusub.

Waxay Puntland sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka dalka.

Comments are closed