|

Dawlada Somaliland oo Cadeysay Mawqifka ay ka taagantahay Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee Burburay

Hargaysa 28.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa daaha ka qaaday in xukuummada Somaliya ay ka cago jiidayso wada hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Photo File

Photo File

Wasiir ku xigeenka Arrimada Dibada Axmed Kayse oo wareysi khaasa siinayay TVga Star ayaa cadeeyay in aanay dawlada Somaliya doonayn in wada hadaladaasi sii socdaan, balse ay xukuummada Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga midho dhalin lahayd wada hadalka ay kula jirto somaliya.

 

Wasiir Kayse waxaa kale oo uu ka hadlay wefti wasiirka arrimaha dibada Somaliland uu hogaaminayo oo martiqaad ka helay dawlada Masar, wasiirku waxaa uu sheegay in waftigaasi hawlo shaqo u tageen dalka Masar.

 

“Wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland, dawlada Muqdisho ayaa ka caga jiidaysa, Somaliland waxaa ka go’an in wada hadaladaasi ay sii socdaan oo ay  ka midho dhaliso”ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibada oo su’aal laga waydiiyay in dawlada Itoobiya ay ka xumaatay xidhiidhka dawlada Masar iyo Somaliland waxaa uu ku jawaabay “ Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodu wuu wanaagsanyahay oo waanu wada xidhiidhnaa wali, waxaanu nahay laba dal oo xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo”

 

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland waxaa uu gabagabadii ka hadlay dacwad dawlada Somaliya u gudbisay dalka Turkiga taasi oo ku saabsanayd in dawlada Turkigu ay joojiso baasaaboorka Somaliland ee lagu tagayo dalkeeda.

 

Wasiir Kayse waxaa uu dacwadaasi Somaliya ku tilmaamay Go’aamo ay dawlada Somaliya ku xaasidayso horumarka ay ku talaabsatay Somaliland balse aanay waxba kaga qaadayn dabin kasta oo ay u dhigto Somaliland.

Comments are closed