|

Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo dhaqaalaha ka shiray

Muqdisho August 14, 2023 (QJ) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir ay guddoomineysay Wasaaradda Maaliyadda oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiilo ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo dhanka maaliyadda ah.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlineyso Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta Maaliyadda, Xakameynta Canshuuraha, iyo habraaca cafinta deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in intii ay socotay ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Wakiilo ka kala socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa qaadista canshuuraha. heer qaran iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo waxtarkeeda.

Shirka Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee ay beesha caalamka ka taageerto, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysanaya guud ahaan Soomaaliya iyo Hay’adda Maamulka Maaliyadda (DPO).

Ugu dambeyn, shirka ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo wadajir ah oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaan shirka ka qayb gelincid  Puntland ku metelaysa, inkasta oo shirka si rasmi ah loogu casumay.

Comments are closed