|

SSC-Khaatumo oo ka soo jawaabtay dalabkii Oofwareen, isla markaana weeraray ciidamada Biixi

Laascaanood August 13, 2023 (QJ) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka soo jawaabay dalab shalay uga imi hogaanka Jabhada Muuse diidka ah ee ku-sugan Gacan-Libaax.

Madaxa Jabhada Gacan-Libaax Gen. Maxamed Aadan Diiriye Oofwareen ayaa mar uu shalay la hadlayay saxaafada fariin u diray dagaalyahanada SSC-Khaatumo, isaga oo ka dalbaday in ay sii wadaan dagaalka ay degaanadooda uga saarayaan melishaadka Muuse Biixi ee ku sugan Goojacade.

SSC-Khaatumo oo hore u soo dhaweysay jabhada Gacan-Libaax ayaa dalabka oofwareen isla maantaba uga jawaabay weerar ay ku qaadeen godka Goojacade.

Xukuumada dhacday ee Muuse ayaa weeerarka cabaad af ingriis ah uga jawaabay weerarka SSC-Khaatumo ee Goojacade.

Saraakiisha Dulmidiid kaga soo biiraya jiida hore ayaa la sheegay in ay soo dhaweyn iyo qakabeynba ka helayaan haatan SSC, isla markaana ay dalka isku sii fidinayaan.

Wararka aanu heleyo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Khaatumo iyo Jabhada Gacan Libaax ay fulin doonaana weeraro wada jir ah isla markaana ay yeelanayaan xiriir balaaran oo dalka looga saarayo HEEGO.

 

Comments are closed