|

Muuse Biixi oo gabaad ka dhigtay Wakiilka Itoobiya si uu Berbera u booqdo

Berbera August 15, 2023 (QJ) – Muuse Biixi Cabdi oo maanta safar aan hore loo sii shaacin ku tegey magaalada Berbera ayaa la sheegay in uu halkaa u sii kaxeystay Wakiilka Itoobiya Hargeysa u fadhiya.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu ogaa in Jabhada Gacan-Libaax aaney marnaba weerari doonin wakiilka Itoobiya ee Hargysa Ambassador Dalil kadir Bushra.

Geesta Kalena waxa uu u muujinayay ajaanibta ku sugan Somaliland in wadada isku xirta Berbera iyo Hargeysa in ay weli gacantiisa ku jirto.

Jabhada Gacan-Libaax ee Muuse diid ayaa ilaa shalayba waday hawlgalo ay jidka ugu gelayaan Muuse Biixi si halkaasi aanu dheyel ugu marin, balse kolkii ay soo baxday in Wakiilka Itoobiya la socdo ayaa qorshihii isbedel ku yimi.

Ma aha markii u horeysay  ee ay Jabhadu ka tilaabsato qorsheyaal guracan oo ay wadeen Muuse iyo inamadiisu, dhawaan uunbay aheyd markii mid ka mid ah inamadiisu uu isku deyay in uu Jabhada ku shaabadeeyo argagixiso, taas oo la fashiliyay.

Si kastaba ha ahaatee, Jabhada Muuse-diid ayaa haatan wada qorsheyaal ay ku balaarineyso weerarada ka dhanka ah Muuse iyo xulafadiisa, khaasatan kuwa beesha Garxajis.

Waxaana haatan aana sidii hore laisugu haleyn kareyn amnjga Hargeysa oo saacad waliba ay qarxi karaan gulufyo colaadeed.

Magaalada ayaa la ciirciireysa dhalinyaro ay ka goan tahay in lala dagaalamo xulufada Muuse ee dalka ku habsatay, wixii ay doonto ha ku kacdee.

Halkan kala soco wixii ka soo kordha xaalada Somaliland.

Comments are closed