|

Dawlada Soomaaliya oo 23 kun shaqaaleysay

Muqdisho June 17, 2023 (QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tababar u furay 3,000 oo macalimiin ah oo dhawaan ay dowladda Soomaaliya shaqaaleysiisay, kuwaasi oo shaqada bilaabaya bisha September ee sanadkan.

Tababarka oo ka socda Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Macalimiinta la howl gelin doono si ay ubadka u helaan waxbarasho tayo leh, iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada waxbarashada iyo barbaarinta Caruurta Soomaaliyeed.

RW Xamsa ayaa sheegay in waxbarashadu ay muhiimad gaar ah u leedahay horumarka dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wuxuu ku dhiiri galiyay macalimiinta inay u diyaariyaan ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqma diinta islaamka, dadaal badan, aqoon, khibrad, iyo tartan caalami ah.

Dowladda DanQaran ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii la soo dhaafay ay ku guuleysatay in ay shaqaaleysiiso 23 kun oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo isugu jira ciidan iyo shaqaale rayid ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay hirgelin doonaan goobo waxbarasho oo ay shacabka heli karaan, waxa uuna ku bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ugu jiraan mudnaansiinta iyo horumarinta waxbarashada dalka, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in ay kaalin mug leh ka qaataan.

Comments are closed