|

Deni oo eryay wasiirkiisii Amniga

Garoowe June 17, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland, Cabdulsamad Maxamed Gallan iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdiweli Xirsi Mire.

Sababaha xilka looga qaaday dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay wax qabad la’aan ka jirta xilalkii ay hayeen.

Cabdulsamad Gallan oo ahaa Wasiirkii Amniga Puntland ayaa ka mid ahaa Wasiirada ugu caansan Puntland, waxaana xil ka qaadista lagu sameeyay ay noqotay mid lama filaan ah, iyadoo ay aad isugu dhawaayeen Madaxweyne Deni mudadii uu xilka hayay.

Si la mid ah wasiirkii hore ee maaliyadda iyo saraakiil ciidan oo horay xilalka looga qaaday ayaa hadda la filayaa inay ka qaybgalaan doorashada Garoowe iyo degmooyinka kale ee soo socota.

Wararka ayaa sheegaya in uu xumaaday xiriirka Madaxweyne Deni iyo Wasiirkiisa Amniga in muddo ah, iyadoo Wasiirka uu muddo badan ka maqnaa Xafiiskiisa.

Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in Xukuumadiisa lagu soo daro wakiilo badan oo ka kala socda qabaa’ilka kala duwan, isaga oo ujeedadiisu tahay in laga qeyb geliyo hanaanka doorashada iyo in laga wada qeyb qaato.

Comments are closed