|

Dawlada Soomaaliya oo beenisay in Mudo kordhin loo raadinayo ATMIS

Muqdisho April 26, 2023 (QJ) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warbixin uu qoray wargeyska ka soo baxa Bariga Afrika, kaasoo sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso inay kordhiso ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya si ka baxsan waqtiga ay hadda u shaqeyso.

Lataliyaha dhanka amniga Qaranka ee Madaxweynaha Somaliya, Xuseen Sheekh Cali, oo arrimahaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay kordhiso xilliga ay dalka ku soo kordhineyso ciidamada ATMIS.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Xuseen waxa uu sidoo kale ku caddeeyay in uusan waxba iska bedelin qorshihii hore ee ku saabsanaa in ciidamada ATMIS-ka la geeyo Soomaaliya, kaasoo la soo gebagebeyn doono bisha December 2024. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku beenineyso warbixintaasi.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wada hadal arrintan la xidhiidha la leeyahay madaxda dalalka kale ee gobolka.

Wargeyska East African ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada ay ka wada hadleen qorshahan cusub kadib codsi ka yimid xafiiska madaxweynaha. Sanadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay amar cusub oo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya illaa ugu yaraan dhammaadka 2024-ka.

Comments are closed