|

Dagaaladii Laascaanood oo dib u bilowday iyo madax-dhaqameed Hargeysa gaaray

Hargeysa April 26, 2023 (QJ) –  Madax dhaqameed ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo hore u tagay Laascaanood ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Madax dhaqameedka halkaasi ku sugan ayaa waxa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo madax-dhaqameed.

Sida ay noo xaqiijiyeen Odayaasha Koonfurta Somaliya ee Hargeysa tagay, waxa ay halkaasi u tageen kulamo ay la yeelanayaan Isimada iyo Cuqaasha deegaanka si xal nabadeed looga gaadho colaada dhimashada iyo dhaawaca ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Cuqaasha uu horkacayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa la sheegay in lagu waday inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Kulankan ayaa ujeedadiisu tahay in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, lagana caawiyo sidii xaaladda loo dejin lahaa loogana hortagi lahaa dhiig kale oo daata. Warbaahinta Hargeysa ayaa loo diiday inay la kulmaan dadka booqday.

Dhowaan ayay ahayd markii madax dhaqameedka Soomaaliyeed ay booqasho ku tageen magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, halkaasoo ay kala hadleen colaadda Puntland iyo SSC, balse hadda ay billaabeen wadahadal ay la yeelanayaan madaxda Somaliland.

-Geesta kalena, Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu geystay khasaare xooggan oo soo gaaray guryo ay degan yihiin dad rayid ah, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen dagaalka. Iska horimaadka ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in rasaas xooggan ay is weydaarsadeen labada dhinac, mana cadda weli weerarka.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dhawaan soo saartay warbixin ay ku faah faahisay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca gobolka, oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka oo si xad dhaaf ah u adeegsada.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga walaacsan yahay in rabshaduhu ay sii kordhaan. Ilaa hadda ma cadda in dadaallada lagu dhexdhexaadinayo xabbad joojinta dhinacyada dagaallamay ay suurtagal yihiin iyo in kale.

Comments are closed