|

Dawlada Soomaaliya oo hub culus iyo diyaarado ka qabatay Al Shabaab

Muqdisho July 17,2023 (QJ) – La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay heleen xogo sirdoon oo muhiim ah oo u sahlaya inay fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in hub isugu jira diyaarado dagaal, 120 hoobiye oo ah kuwa riddada dheer, iyo kuwa lidka diyaaradaha ee loo yaqaan Zuug.

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u wiiqday awooddii sirdoonka ee Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay.

Dawladdu waxay ku guulaysatay inay ka takhalusto shakhsiyaadka muhiimka ah ee mas’uulka ka ah qorsheynta weerarrada ama isku dubaridka taageerada Soomaaliya ee dalal shisheeye. Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah agabkii Al-Shabaab ay ku tiirsanayd ayaa la carqaladeeyay.

Dhanka colaada taagan ayuu lataliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga qaranka carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya oo kaliya ay ka qeyb qaadaneyso howlgalladan, isagoo si gaar ah u xusay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali ayaa wax laga weydiiyay fashilaado hore oo dhanka sirdoonka ah oo ku yimid soo qabashada Al-Shabaab, waxa uu carabka ku adkeeyay in Hay’adda Nabad Sugida ay sameysay horumaro la taaban karo si looga hortago wax kasta oo lidi ku ah la dagaalanka Al-Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in xogta la helay ay suuragelisay in lagu guuleysto beegsiga shaqsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab, taasina ay keentay in dib u dhac weyn uu ku yimaado Ururka Al Shabaab.

Comments are closed