|

Guddida dorashooyinka Somaliland oo isku khilaafay Jadwelka Doorashooyinka

Hargeysa July 17,2023(QJ)-Komishanka leexsan ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa goor dhawayd soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasadda ee dalka oo muddo dheer dib u dhac ku yimi, ka dib markii uu hore Muuse Biixi Cabdi uga biyo diiday qabsoomida Doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada ururada siyaasadda la qaban doono 28-ka bisha December ee sanadkan 2023-ka, sida uu qabo sharciga xisbiyada siyaasadda.

Sidoo kale, Komishanku waxay caddeeyeen in doorashada madaxtooyada iyo ku-xigeenku ay dhacayso 13-ka bisha November ee sannadka 2024-ka, taas oo muujinaysa in muddo-kordhinta sharci-darrada aheyd ee golaha guurtidu ay la jaan-qaadi doonto muddo-xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Komishanku waxa kale oo ay ka codsadeen goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashada inay si firfircoon uga qayb-qaataan la-socodka cadaaladda iyo habsami-u-socodka doorashooyinka iyo inay ka fogaadaan wax kasta oo carqaladaynaya jadwalka lagu dhawaaqay.

Labada xubnood ee guddiga doorashada ee mucaaridku magacaabeen ayaa khilaaf ka muujiyey jadwalka doorashada ee dhawaan lagu dhawaaqay guddoomiyaha komishanku.

Labadan xubnood ee Waddani iyo UCID ku metela Giddida Doorashooyinka ee Muuse u gacangashay ayaa si dadban u sheegay in jedwelkan uu Muuse diyaariyay, laguna dhawaaqay iyaga oo aan goobjoog aheyn.

Jadwalka doorashada ee ay soo saareen guddiga doorashada Somaliland, ayaa la filayaa inay sii huriyaan khilaafka, isla markaana saamayn siyaasadeed oo muuqda ku yeelan doona gudaha Somaliland, gaar ahaan khilaafkii hore ee Madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda.

Mucaaradku waxa ay muddo dheer u ololaynayeen in la qabto doorashada madaxtooyada, halkii laga qaban lahaa doorashada ururrada siyaasadda, maadaama ay aaminsan yihiin in maamulka Muuse Biixi uu wax maroorsaday, taas oo aakhirkii keentay is-mari-waaga siyaasadeed ee hadda taagan.

Comments are closed