|

Dawlada Soomaaliya oo ka warbixisay weeraro ka dhan ah Al Shabaab

Muqdisho October 24,2022 (QJ) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallo ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibadooda caalmiga ah oo dhacay 48 saac ee la soo dhaafay lagu laayay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, laguna burburiyay gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha.

Dawlada ayaa intaa ku dartay in hawgaladu ka dheceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hawlgal la fuliyay Sabtidii 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen xubno sar-sare iyo dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaana kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in hawlgalkaa lagu dilay 21 ka tirsan AL-Shabaab, oo uu ku jiro xubin ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka kale oo isna dhacay shalay galab waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd waxaana lagu dilay 11 ka tirsan AL-Shaab waa sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Hawlgal kale oo xalay la qaadayna waxaa uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow oo farriisan weyn u ahayd Al-Shabaab, waxaana goobta la weeraray ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay Masuul ka tirsan AL-Shabaab oo magaciisa ay dowladdu ku sheegtay Muscab Cabdulle Saneey.

Weeraradan ayaa imanaya xili dawlada, shacab hubeysan iyo saaxiibo caalemi ahi ay iska kaashanayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Comments are closed