|

Xogta ciidamo dheeraad ah oo magaalada Burco la geeyay

Hargeysa. 25 October, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa la geeyay ciidamo badan oo dheeraad ah kuwaas oo aan la ogayn ujeedada loo geeyay balse la aaminsan yahay in xukuumadda Muuse Biixi cadaadis ku saarayso beesha Garxajis oo shir ku qabsanaysa Burco.

Hotel Kaafi ayuu si rasmi ah shirka beesha Garxajis maanta uga furmay iyadoo la filayo in maalinta Khamiista lasoo xidho.

Ciidamada RRU ee Sida gaar ah u tababaran looguna talo galay argagixisada ayaa la keenay Burco, iyadoo uu hor kacayo Cabdi Axmed Tiir oo ah taliyaha RRU isla markaana kasoo jeeda beesha Garxajis.

Ma jiro wax carqalad ah oo beesha shirkeeda ku yimi illaa hadda.

 

Wararka soo kordha kala soco Qurbejoog.

Comments are closed