Uncategorized

Dawladda Federal-ka Somalia Oo Shaacisay Inaanay Awoodin Caawinta Qaxootiga Yemen Kasoo Yaacaya

Nairobi:April,24,2015(SDN/QJ)-Dawladda Federal-ka Somalia, ayaa Markii ugu horraysay Qiratay inaanay lahayn awood ay kula tacaalaan Qaxootiga reer Yemeneed ee kasoo yaacaya Colaadaha Dalkooda Hadheeyey oo horraantoodii haatan dalka Somalia soo gaadheen.

sharmaRa’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee  AFP asagoo jooga magaalada Nairobi, ayaa carrabka ku ballaadhiyey inaanay Dawladda Somalia lahayd Awood ay qaxootigaas ku qaabisho.

R/wasaaruhu waxaa uu sheegay in dawlada Soomaaliya aanay laheyn awood dhaqaale oo ay ku meelayso qaxootiga Yemen u dhashay ee kasoo gudbayabad cas ee Soomaaliya imaanaya waxaana uu intaa ku daray inay caalamka uga baahan yihiin taageero dhaqaale.

“Dhaqaalaheenu ma gaadhsiisna heer aanu ku caawin karno qaxootiga nagu soo qul qulaya sidaa darteen waa ay nagu adagtay inaanu qaabilno dadka dhibaatada Yemen kasoo cararaya” ayuu ku yidhi R/wasaaruhu waraysiga uu siiyay wakaaladda wararka AFP.

Sidoo kale R/wasaare Sharmaake waxaa uu waraysigaan ka hadlida qaxootiga reer Yemen ka sokow uu sheegay in haddana dhanka kale dawlada Soomaaliya ay wal wal ka qabto dhanka amaanka ah sababtoo ah waxaa jirta buu yidhi R/wasaaruhu in dadka qaxootiga ah ay isku soo daraan dagaalamayaal Al-Qacida ka tirsan oo Al-Shabab u yimaada.

Tan iyo markii uu dalka Yemen uu ka bilowday dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dawlada la aqoonsanyahay dawlado Carbeedna ay dalkaasi duqeyn ka bilaabeen Yemeniyiin fara badan ayaa yimid Soomaaliya si naftooda ugu nabad gasho.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com