|

Dawladda Soomaliya oo looga guulaystay xubinimada golaha nabada midawga Afrika

Muqdishu jimce 4,February 2022 (QJ) Dawladda Soomaaliya ayaa lagaga adkaaday tartankii ay u gashay xubinimada golaha nabada midawga Afrika oo lagu dooranaayey shirwaynaha midawga Afrika ee ka socda magaalada Addis abab , xarunta dalka Ethopia.

Ergada ka qayb galaysay shirwaynaha midawga afrika ayaa mar kale dalka jabuuti u dooratay inay xubin ka noqoto golaha nabada midawga Afrika oo labadii sano ee la soo dhaafay haysay

Jabuuti ayaa ergada doorashada ka heshay 19 cod halka Soomaaliya ka heshay 13 cod taasi oo ka dhigan in Dawladda Jabuuti mar kale xejisatay kursigii xubinimada golaha nabada midawga Afrika siina hayn doonto 2022 —2025

Wasiirka arimaha dibada Sooomaaliya oo Hogaaminaayey waftiga Diblamaasiyiinta iyo ergada Soomaaliya ee midawga Afrika kuwaas oo sameeyey dadaal badan sidii Soomaaliya kursigaa u heli lahayd

Comments are closed