|

Dawladda Turkiga oo xidhay Safaaradeedii Dimishiq, una yeedhay Danjiraha u joogay Siiriya

Ankara 26, March 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Dawladda Turkiga ayaa Salaasadan maanta xidhay safaaradeedii caasimadda Dimishiq, una yeedhay Danjiraheedii u joogay Siiriya.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee AP, talaabadani waxay la xidhiidhaa welwel ay xukuumadda Ankara ka qabto xaalada sii xumaanaysa ee amaanka dalka Siiriya, waxaana si kumeel-gaadh ah loo xanibay hawlihii safaaradda Turkiga ee caasimadda Dimishiq, inkastoo ay sii shaqayn doonto qunsuliyadooda ku taala Aleppo, sida lagu sheegay warbixin kooban oo xalay lagu baahiyay barta Internet-ka ee safaaradda.

Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda Khaarajiga Turkigu, waxa uu AP u sheegay in sababta safaaradooda Dimishiq loo xidhay tahay xaalada khariban ee amaanka dalka Siiriya, wuxuuna intaa ku daray in Ambassador-kooda iyo diblomaasiyiin kaleba ku soo laabanayaan dalkooda Turkiga.

Bixitaankani waxa uu yimi laba maalmood uun ka dib markii Raysul-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay in dalkiisu uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jarayo Suuriya, lana soo baxayo Safiirkiisa.

Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in dad ka badan 8,000 kun oo qof shacab mudaharaadayaal ahi ahi ku dhinteen tan iyo markii ay sannad ka hor dawladda Bashar al-Assad bilawday hawlgalkeeda ka dhanka ah mucaaradka ka soo horjeeda.

Turkiga oo xuduuud dhan 911 Km la wadaaga Siiriya, waxa uu sheegay in aanu indhaha ka qarsan karin gawraca ka socda albaabka xiga, wuxuuna raadinayaa in la joojiyo qulqulatooyinka iyo sidii Madaxweyne Asad loogu cadaadin lahaa inuu xukunka ka dego.

Raysal-wasaare Erdogan waxa uu wadahadalo xaalada Siiriya ku saabsan uu Axaddii la yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Ilaa 17,000 kun oo qof oo shacabka Siiriya ka tirsan, kana cararay qulqulatooyinka socda, ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga, kuwaasoo in badani ku sugan yihiin xeryo kumeel-gaadh ah oo qaxoonti. Sidoo kale, dawladda Turkigu waxay ogolaatay in shacabka Suuriya iyo ciidanka wax-iska-caabintu inay u hoydaan, iskuna abaabuli karaan gudaha dalkeeda.

Qurbejoog.com, Ankara

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed