|

“Dawladi Indho Qudhaanjo ayay leedahay”Madaxwayne Siilaanyo

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa fariin digniina u diray dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan ama ka horyimaadaan mashaariicda Horumarineed ee Xukuumadiisu ka wado Somaliland.

SiilaanyoMadaxwayne Siilaanyo, waxaa uu sheegay inay xukuumadiisu diyaar u tahay horumarka  balse aan loo baahnayn bulsho carqaladaysa dadaalada Xukuumadiisu Wado.

 

“Waxaan u digayaa dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan mashaariicda Horumarka ee dalka ka socda, waxaan leeyahay dawladi Indho Qudhaanjo ayay leedahay”ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo oo ka khudbad dheer ka jeediyay Xuska sanad guuradii 56aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Xornimada ka qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska.

Comments are closed