|

Dekedda Garacad oo si rasmi ah loo furay maanta

Garoowe. 22 October, 2022. (QJ)- Dekedda Garacad oo sanado ka hor lagu dhisay mashruucii u horreeyay isku tashi ah oo Soomaaliya ka hir gala ayaa maanta wajigiisa koowaad xadhiga laga jaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar iyo Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Gobolka ayaa ka qeyb galay Munaasabadda lagu furay Dekedan.

Dekeddan ayaa ka qayb qaadan doonta ganacsiga Soomaaliya iyo gobolka gaar ahaan Itoobiya oo danaynaysa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Comments are closed