|

Muuse Biixi oo dalbaday mar kale kulan uu Cirro la qaato iyo jawaabta

Hargeysa. 22 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa dalbaday kulan ay iskugu yimaadaan murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani, isagoo arintan tiraba dhawr jeer kusoo cel celiyay.

Muuse Biixi ayaa u sheegay cuqaasha beesha Garxajis in uu rabo kulan uu la yeesho murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani, wuxuu sidoo kale arintan u sheegay xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo kulamo dhawaan la yeeshay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa diiday in ay is arkaan Muuse Biixi iayada oo aanu ogolayn xal lagu dahmeeyo khilaafka Somaliland ka taagan ee jiitamaya mudada sannadka ah, wuxuuna ku adkaystay in dhinacyada kale ay xal ka keenaan isaga.

Dadka wax falanqeeya ayaa arintan ku macneeyay in ay tahay khidada iyo siyaasad uu Muuse Biixi klu rabo in uu sawir la galo Cirro kadibna ay baxdo fariin ah saddex dhinac; waa ta koobaade in aan waxba la isku haynin, waa ta labaade in mucaaradku kala jabanyahay iyo ta saddexaad oo ah in aan wax wayn laga dhigin maalinta 13 November ee mudadu kaga egtahay Muuse Biixi.

Comments are closed