|

Deni oo dalbaday Xabad joojin laga hoos qaadi waayay

Garoowe June 20,2023 (QJ) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Danab. Khilaafkan ayaa bilowday subaxnimadii hore ee saaka markii 34 xildhibaan ay ansixiyeen qaraar ku baaqaya in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka oo lagama maarmaan u ah dib u habeyn  maamul oo loo dhan yahay.

Dagaalkan ayaa geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ay ku jiraan ciidamada dowladda, kooxaha dab-damiska, ciidamada PMPF, iyo cutubyo ka tirsan booliiska, kuwaasoo ay la socdeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Jimcaale Jaamac Takar.

Dhimashada dadka rayidka ah ee la xaqiijiyay ayaa hadda mareysa 7, iyadoo dhaawaca uu kor u dhaafayo 10. Labada dhinac ayaa ku qiyaasay in in ka badan 20 askari oo ka tirsan militariga oo ay ku jiraan saraakiil lagu dilay dagaalka.

Ciidamada Korneyl Jimcaale ayaa goor hore la wareegay gacan ku haynta bartamaha magaalada, waxaana markii uu dagaalku sii xoogeystay ay ciidamada dowladdu weerar ku qaadeen fariisinka ciidanka Ligley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal fool ka fool ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Korneyl Jimcaale ay u ruqaansadeen dhanka saldhiga Sallax ee koonfurta Garoowe.

Xaalada magaalada ayaa kacsan, waxaana xiran wadooyinka, waxaana hakad ku jira dhaq dhaqaaqii ganacsiga.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah, wuxuuna isku dayay inuu khadka taleefoonka kula xiriiro Islaamka Ciise Islam Maxamed si uu ugala hadlo xabbad-joojin. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tilmaamaya in isku daygii isgaarsiintu uu guul darreystay sababo la xiriira in shuruudo la’aan ldagaalka lagu joojiyo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa walaac xoogan ka muujiyay colaadaasi, waxa uuna baarlamaanka ka dalbaday in la xaliyo waxyaabihii dhaliyay dagaalka. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan hogaanka dhaqanka ee Puntland.

Comments are closed