|

Garoowe oo maanta nabdoon

-Xabbad joojin ayaa maanta lagu guuleystay so loo soo afjaro shaqaaqadii ka dhacday magaalada Garoowe, taasoo la doonayay in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida caasimadda gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada magaalada Garoowe ay haatan degan tahay kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay rabshado ka dhaceen magaalada.

Baaqyo kala duwan ayaa loo jeediyay labada dhinac, sida Beesha Caalamka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamza Cabdi Barre, iyagoo ku baaqay in la joojiyo rabshadaha ka socda Garoowe.

Waxa kale oo ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay wada-hadal macno leh iyo in xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafaadka jira.

Waxaa billowday jawi caadi ah oo dadka deegaanka iyo ganacsiga ay sameynayaan, inkastoo goobaha ganacsiga qaarkood ay weli saameyn ku yeelatay, iyadoo laga walaacsan yahay isku dhacyo kale iyo hakad.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Garoowe ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 30 ruux. Waa mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Garoowe tan iyo markii Puntland la aas aasay.

Sidoo kale, waxgaradka bulshada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato xal u helida colaada.

Comments are closed