Hargeysa:Nov,10,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa ka Hadlay tallaabooyinka cabadhinta ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso Xorriyatul qawlka iyo Xuquuqda Saxaafadda.
Mujaahid Xasan Guure oo la Hadlay Saxaafadda, ayaa tilmaamay in tallabaooyinka xukuumadda shacabka ku cabudhinaysaa ay kamid tahay wixii shacabkani kasoo dagaalameen ee ay kala kulmeen Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.
Waxa uu Mujahidku sheegay in xukuumaddani ay ka tallaabsatay sharciyaddii dalka, isagoo marag u soo qaatay Saxaafadda Madaxa Bannaan oo wali lagu xukumayo sharciyaddii Xukuumaddii Siyaad Barre inkastoo dal madax Bannaan la sheeganayo,
“Dawladda Siilaanyo waxay Calaashatay Wax allah wixii sharcigu ka Xaaraantimeeyey, waxay shacbiga ka qaadday wax allah wixii xuquuq ahaa ee uu dastuurku siiyey, waxana kamid ah Saxaafadda Madaxa Bannaan oo la diiday in lagu xukumo Sharcigii Goluhu ansixiyey, balse lagu xukumo kii Maxamed Siyaad Barre.”ayuu yidhi Muj. Xasan Guure.
Mujaahid Xasan Guure, waxa uu carrabka ku dhuftay in astaamaha Xukuumaddu wali yihiin kuwii Rajiimkii siyaad Barre, isla-markaana uu jiro shak ah inuu Madaxweyne Siilaanyo wali ka tirsan yahay Rajiimkii uu lasoo shaqayn jirey ee Siyaad Barre,
“Waxad Mooddaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu wali u shaqeeyo Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee uu wasiirka ka ahaan jirey, mana mooddid inuu dalka madax Bannaan oo somaliland la yidhaahdo inuu madax ka yahay.”ayuu yidhi Xasan Guure.
Waxa uu ka digay Hanjabaadda iyo Cago-juglaynta ay xubno uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Guduhu ku hayaan shacabka, waxana uu xusay in shaqada uu Cali waran-cadde hayaan metesho tii uu siyaad Barre u hayey, waxana uu yidhi,
“Haddii ay cagojuglayntu tahay xabaddii baan hayaa, lase Yaabe maayo oo waxan Imika Dawladda Ka Tirsan Laba baa ogaa wixii meesha ka Dhacay, inankaan Abtiga u ahay ee Warancadde wuxuun buu yidhaahdaa Xabad uun Baan hayaa waa Run oo Markii uu xamar Joogayba Xabad uun Baa jirtey.”
SDN/QJ
