|

Dhacdo Naxdin Leh:Dablay hubaysan oo rasaas ku dishay nin ganacsade ah kadib markii ay saacado badan dhex baacsadeen suuqa isha boorama ee hargeysa

Hargaysa, 11 April, 2016-(SDN/QJ): – Dablay hubaysan ayaa habeen Hore fiidkii toogasho ku dishay Alle Ha unaxariistee Cabdi Daahir (Muslim) oo ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland,waxaana galinkii dambe Marxuunka lagu Aasay Magaalada Hargeysa,iyadoo nin ka mid dablaydii Marxuumka dishay lagu hayo Xarunta Baadhista Dambiyadda ee C.I.D-da Hargeysa.

hjWarar Madax Banaan oo xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa u xaqiijiya dhacdadan Foosha Xun ee Ugubka ku ah Guud ahaa Gayiga Somaliland,taasi oo ka dhacday Xaafada Isha Boorama ee Magaalada Hargeysa. Dad goobjoog uhaa Falkan argagax leh oo faah faahin kooba nasiiyay ayaa noo sheegay in Kooxdan dablayda ahi Marxuumka ka heshay badhtaha Suuqa Isha Boorama ee Koonfurta Hargeysa oo uu Marxuumku meherado ku lahaa. Dadlayda ayaa sida la noo sheegay gaadhi kaga soo dhaadhacday,iyagoo Marxuumka baacsanayeen wakhti lagu qiyaasay illaa saacad,iyagoo markii dambena rasaas ay la dultageen qudha kaga jaray.Marxuumkan ayaa ganacsiyo kala duwan ku lahaa Magaalada Hargeysa sida Idaacada iyo Suuqa Xaafada Isha-Boorama.

Ciidamada Nabadgalyada ayaa xalay illaa saaka baadi goob ugu jiray Soo qabashada Dablaydii dishay Marxuumkaasi,waxaanay Shalay aroortii gacanta ku soo dhigeen nin la sheegay inuu ka mid yahay Raggii Hubaysnaa ee Ganacsadaha Khaarajiyay. Sidoo kale Marxuumka ayaa shalay Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa waxaana aaskiisa ka qayb galay Dad weyne iskugu jira Ganacsato,Masuuliyiin Dawlada Ka tirsan iyo Dad Badan Oo kale.

Waa dhacdo ugub ku ah Guud ahaan Shacabka Somaliland,waxaanay u sansaan egtahay falal amaan daro oo si joogto ah looga fuliyo Magaalada Muqdisho taasi oo lagu beegsado dadka Bulshada Magac ku leh. Wargeysa Foore waxa uu tacsi gaadhsiinayaan Ehelkii,Qaraabadii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku,waxaananu Ilaahay u baryaynnaa inuu janadiisa Firdawsa ugu deeqo.

Comments are closed