New York:Dec,21,2014(SDN/QJ)-Qof Hubaysan oo aan Haybtiisa la aqoon ayaa toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsanaa Booliska ka Hawlgala Magaalada New York ee dalka maraykanka.
Qofkii askartan laayey oo ahaa nin Takbiirta ku qalinayey, ayaa markii uu toogashada fuliyey Baxsaday, kaas oo markii dambe naftiisa toogtay.
Weerarka lagu qaaday labada askeri ee la dilay ayaa si la yaableh uga dhacay magaalada ugu weyn Mareykanka.
Labadan booliiska ah waxay roondo ku marayeen qeybta Bedford-Stuyvesant ee Brooklyn.
Iyagoo dhex fadhiya gaarigooda, ayaa nin hubeysan waxa uu ku furay rasaas, Labadaba waxaa loo qaaday cisbitaal, waxayna u dhinteen dhaawacyadii soo gaadhay, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey.
Toogashadan ayaa imaneysa iyadoo askarta New York aad isha loogu hayo farsamooyiinka ay isticmaalaan.
Horraantii bishan, xeerbeegti ayaa diiday in dacwad lagu oogo askeriga xuurto ama qoor-sagaaro ku dilay nin madow ahaa oo lagu magacaabi jirey Eric Garner.
Go’aankaasi waxa uu sababay dibadbaxyo ka dhacay magaalada New York iyo magaalooyiinka kale ee Mareykanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
