Uncategorized

DHAKO AYAA LOO BAAHAN YAHAY

 ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH 

 

Waxaan salaamayaa dhamaan wariyayaasha iyo akhristayaasha qiimaha badan, Salaam ka dib waxaa la yidhi haddaad aragto laba nin oo is haya balankoodii hore ayaa xumaa,haddaan bal in yar sharaxno dawlada s/land iyo mabaadiida iyo siday ushaqayso wax badan baa inoo soo bixi oo u baahan in waxa laga badalo dalku siduu u shaqaynayo.

Dawladani waxay ku shaqaysaa nidaamkii uu ina cigaal iyo tolkii oo ah subeyr awal ay dalka ku inqilaabeen si xarfad ah dhiigna aannuu ku daadan,waxay ahayd dhako fiican

Dawladaa inacigaal waxaa uu u sameeyey xukun waxa kastaana ay gacantiisa ku jirtaan,shaqada u hooseysa ilaa ta u saraysa si waxaa uu doona uu yeeli karo sharci ka sareeyaana uun jirin qofkuu doono uu eryi kuu doona u shaqo siiyo,runtiina ah khalad weyn iyo meel ka dhac.

Waxay kaloo dawladani abuurtay koox ay dawlada isku shacbi yihiin qaarna ay laba tolowaan ooy ka xigsadaan xukunka ummada intii kale kooxdaasi waxay isku raacaan dan iyo damac fool xun oo ah aniga aniga wax walba ha layga dhex arko damacaasi xun marka danbana waxay abuuraan tacasabyo ummada ku dhex rida is nacayb iyo wax kala badsasho.

Waana ta keentay ee aad aragtaan in maalin walba hantidii ummada ka dhexaysay maalin nin la siinayo haday  noqoto hawada, haday noqoto baddii haday noqoto buurihii khayraadku ku jiray oo imminka horteena lagu xalaalaysanayo indhaheena oo shan iyo toban ah.

Waxaasi maxay u dhacayaan? waxay u dhacayaan waa sida dawladeenu u shaqayso inaguna aan uga raali noqonay inay dulmigaas inagu xukunto waxbana aynaan ka odhan.

15 xisbi ayaad aragteen oo yaacaya,wax kale u yaaci maayaan waxay u yaacayaan dawladaasi bilaa dabarka ahaa ee sidii la doona laga yeelayo haddii nin walba og yahay katiinadii lagu xidhi lahaa inay barkintiisa ku hoos jirto niman badan oo xukun doon ah maydaan aragteen,waa wareey baa yeedhi lahayd  dawladuna way miyirsan lahayd.

Maxaa xal ah waxaa an dawladaas ku sheegey islaamku ma ogla  xaalkuna  waa islaamka ka tirtira maamulka xun una roga maamul wanaagsan waa islaamka aynu ku soo sharxno culimadeena kitaabka quraanka ah iyo xadiisyadii rasuulka s.a.w.

Caruurtan aad leedihiin quraankii bay xafideen waa hagaag xafidee waa inay helaan halkii ay xirfadooda quruxdeeda ku soo shaac dhigi lahaayeen waa in aan caruurteena quraanka kun soo sharaxnaa.

Damacaasi xun ee boobaya khayraadkii ummadu wada lahaydna ka baabiinayaa waa ninkaasi quraanka midigta ku sita.

Waxa kastoo laydin siiyana u diyaar garooba in maalin uun laydinka kala wareegi si xaq ah waayo xoolihii ummadaad dhacdeen.

Waxaydin odhan adduun I khatal.

sidaas iyo nabda gelyo

Fuad Jawi
Ottawa
Canada