|

Dhiillo Colaadeed Oo Markale Ka Aloosantay Deegaanka Kalshaale Iyo Tirada Dimashada Labada Dhinac

Maskax-buqle:Feb,28,2015(SDN/QJ)-Dagaal qadhaadh oo shalay gelinkii dambe laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka Maskax-buqle, ayaa keenay dhimasho iyo dhaawac badan, waxana halkaas ka taagan dhiilo colaadeed oo daran.

coleeWararku waxa ay sheegayaan in dagaalk hore ay afar qof ku dhimatay, halka maantana laga baqo qabo inuu dagaal kale qarxo, xilli ay labada dhinac isu hub ururusanayan oo is horfadhiyaan.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeyay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud, waxana ay arrintani daba socotaa Aanooyin qabiil.

Deegaanada Kalshaale, Hagoogane iyo Dhul daaqsimeedka ku xeeran ayaa hore dagaallo lagu hoobtay uga dhaceen,tan iyo sanadkii 2012 deegaanadaasi waxaa ka jirtay Xassilooni aan cago badan ku taagnayn, ma jirto ilaa hada wax dhaq dhaqaaq ah oo lagu raadinayo daminta colaadan waana tan suurtogalin karta in mar walba dagaalladu soo noq noqdaan.

Ugu dambayntii halkii shalay dagaalladu ka dhaceen oo ay isku horfadhiyaan labadii dhinac ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo xiisad colaadeed islamarkaasina ay macquul tahay in maanta kale dagaalladu ay dib uga bilowdaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed