|

Madaxweyen Siilaanyo Oo Markii Shanaad Seeftiisa u Diiday Inay Taabato Afarta Wasiir Ee Beeshiisa ah

Hargeysa:Feb,28,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Xalay isku shaandhayn uu ku sameeyey Golihiisa wasiirrada  ay  lama filaan ku noqotay Badiba shacabka reer Somaliland oo tallaabada u dheg taagayey.

taajMadaxweynaha, ayaa iska diiday inay isku shaandhayntiisani saamayn ku yeelato Afar Xubnood oo kamid ah Golihiisa wasiirrada, kuwaas oo tan iyo intii xukuumadiisu jirtey aan marnaba la taaban.

Xubnaha wasiirrada ah ee Madaxweynaha ay isku beesha yihiin, isla-markaana la diiday in la taabto, ayaa kala ah Wasiirrada Wasaaradaha, Madaxtooyada, Macdanta iyo Tamarta, Duulista Iyo Ciyaaraha oo ah xubinta Kaliya ee Wasaarad kale oo tiisii hore dhaanta loo beddelay.

Wasiirradan oo dhammaantood haysta Wasaarado awood badan, ayaa uu madaxweyne Siilaanyo dhaafiyey seeftiisa isku shaandhaymeed, waxana uu u daayey Hay’adihii ay hore u haysan jireen oo  ay ku xiddidaysteen.

Shacabka ayaa  filayey in isku shaandhayntani ay saamayn ku yeelan donto wasiirrada kasoo jeeda Beesha madaxweynaha, waxana waxase ay taasi noqotay biyo col dhaanshay, kadib markii uu Wasiirkii Ciyaaraha ee oo Beeshiisa ahaa uu u magacaabay Wasaarad ka shilis middii hore ah Wasaaradda Dib-udeinta.

Su’aasha taagan ayaa ah  sababta keentay In madaxweyne Siilaanyo oo markii Shanaad isku shaan-dhaynta Xukuumaddiisa uga reebay Wasiirrada ay isku beesha yihiin, waxase dadka qaarkii arrintaas u arkaan Tallaabo qabyaaladeed oo indhihiisa aanay ku qabanaynin oo kaliya uu xilalka ka qaado  masuuliyiinta Beelaha kale kasoo jeeda.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed