|

“Dhinaca Somaliland Waxa Dibadaha Looga Yeedhay Dad Baasaabooro Wata Oo Dhaqamo Shisheeye Sita Oo Akhlaaq Daran” Afhayeenka Ururka Alshabaab

Baraawe 25 April, 2016-(SDN/QJ):– Xarakada Alshabaab ee Ka Dagaalanta waddankaasi Soomaaliya ee aynu Jaarka nahay ayaa si aan hore looga baran waxa ay uga hadleen Dhallinyarada reer Somaliland ee ku hoobtay doontii dhawaan ku qarqoontay Biyaha Badda Dhexe ee Masar iyo Giriigga.

cali-dheere11Alshabaab ayaa sheegtay in Dhallinyarada reer Somaliland iyo Guud ahaan Soomaalida kaleba quus ka joogaan dhulkooda oo ay ku sheegeen in hantidiisii iyo dhaqaalihiisii la boobay.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Dheere) ayaa khudbad uu arrintan kaga hadlay waxa lagu baahiyey warbaahinta waddankaasi Soomaaliya isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waxa mudan in la iswaydiiyo oo la is-warsado Sababta ay Dhalinyaradu badaha ugu baaba’ayaan, waxaad arkaysaa iyadoo lagu canaananayo Tahriibkaasi ay ku tagayaan Dhulka Gaalada, Waxaan leenahay Dhallinyaradaasi Qaladka ma laha ee Asbaabo kale ayaa jira, Sababta u weyn ee ay Dhallinyartaasi u tahriibayaan Runtii Waa sabab dalka Soomaaliyeed taalla.

Meesha Hadda Mushkiladda ugu badani ay ku dhacday waa Goboladda Woqooyi Galbeed (Somaliland), Waxaad ogtihiin wixii ka jiray Mashaariic iyo Wixii shaqo ka jiray intoodii badnayd Shisheeye ayaa la siiyay, Haddii Midab Soomaaliyeed la Fiiriyana Waxa la wacay oo shaqooyinka loo dhiibay Dad Dibadaha laga keenay oo wata Baasaabooro Shisheeye, dhaqamo shisheeye oo Akhlaaq daranna wata. Dhinacii kale ee Ganacsigii iyo wax soo saarkii isagana waxaa lagu salliday Shisheeye kale oo marka ay beertu u soo go’do Suuqyada ku cidhiidhaya oo ku bakhsaya oo miskiinkii reer Somaliland ahaa ee Ka Faa’iidso islahaa Wax soo saarkiisa waxa lagu soo daayaa Shisheeye Raashin dibadda ka keenaya oo cashuur dhaaf loo sameeyay”.

Cali Maxamuud Raage (Dheere) oo arrimahaasi ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Dhinac kasta Oo Umaddaasi (Somaliland) ka dhaqaaqaysay waa la cunaqabateeyay, Waad Ogtihiin Xoolihii ay dibadda u dhoofin jireen, waa la joojiyay oo Cudurro iyo waxbaa lagu sheegay, Khudaartii ay dhoofsan jireen waa la joojiyay, taasi waxay keentay markaa Dhallinyaradii inay carraaraan oo ay Badaha isku biimeeyaan oo waxa la rabaa inay waddanka Waayeel iskugu soo hadhaan oo la qabsado”.

Dhinaca kale Cali Maxamuud Raage (Dheere) isagoo si gaar ah uga hadlaya dhallinyaradii doontaasi ku dhimatay ee Muqdisho ka tahriibay ayaa waxa uu yidhi: “Waad ogtihiin Dalkeena Soomaaliya Waxaa ku soo duulay Cadawyo badan oo noocyo badan oo qabsaday Illihii dhaqaalaha ee Dalkani lahaa, Islamarkaan Cuno Qabatayn ku soo rogay, Waxaana tusaale idiinku filan in Dhallinyarada Badaha ku halaagsantay ay intooda badan yihiin Qaar mutacalimiin ah oo Dusiyada Iyo Jaamacaddaha ka baxay, Dalkii Qudha ee ay lahaayeen ay iskaga carrareen. Waddanka Soomaaliya Dakadihiisii, Airport-dhadiisii, Ganacsigiisii, Dhaqaalihii uu lahaa oo dhan waxa Gacanta loo galiyay Shisheeye, Tusaale ahaan Dekeddii Muqdisho oo aad ogaydeen inay Ku noolaayeen 5000-kun oo qoys in ka badan, Shantii kun waa la caydhiyay oo waxa lagu wareejiyay Hay’ad Shisheeye, dadkaasi waa kuwa tahriibay ee Naftu ku qasabtay in Badaha Galaan, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Intaasi oo kale ayaa laga caydhiyay oo Hay’addo Shisheeye ayaa gacanta loo galiyay, dadkaasina waa kuwa Badaha isku daadiyay” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Af-hayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Dheere) oo ku sugnaa dalka Soomaaliya.

Comments are closed