|

Madaxweyne Obama oo ka Falceliyey Su’aal laga weydiiyey in Badaha Somalia Sun lagu daadiyo DAAWO

London, 25 April, 2016-(SDN/QJ):–  Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo magaalada London kulan kula yeeshay dhalinyarada ayaa su´aalo laga weydiiyey  waxaa ka mid ahayd  waxyaabaha uu ka ogyahay ama uu ka qaban karo suntan la sheegay in lagu daadiyo xeebaha Somaliya.

obamaMadaxwayne Obama waxaa Su’aasha waydiiyay Wiil soomaali ah oo  ka mid ahaa dhalinyartii uu madaxwaynuhu la kulmay, waxaana uu wiilkaasi weydiiyey waxyaabaha uu ka ogyahay sunta lagu daadiyo xeebaha Somaliya iyo waxa uu ka qaban karo hadii ay jirto.

“Lixda bilood ee xafiiska kaaga hadh ay maxaa ka qaban kartaa arrintan, mase u raadin kartaa in arrintan Beesha Caalamka ay wax ka tidhaahdo”  ayuu weydiiyey wiilkaasi Soomaaliga ah oo fursadaasi uga faa´iideystay inuu wax ka weydiiyo hogaamiyaha reer Galbeedka arrintan oo aan si weyn loo baadhin.

Barack Obama ayaa sheegay inuu la socda dhibaatooyinka ka jira Somaliya oo ay beesha caalamka iyo dawlada Maraykanku ka shaqeynayaan sidii loosoo celin lahaa amaanta dalka balse waxaa uu sheegay inaanu ka warhayn su’aasha uu wiilku weydiiyey ee ahayd in biyaha Somalia sun lagu daadiyo.

Obama waxaa uu sheegay inaanay ceeb ahayn inuu hogaamiye yidhaahdo waxba kama ogi sida arintan oo kale isagoo sheegay in baadhitaan loo baahanyahay si loo ogaado in sun lagu shub biyaha Somaliya.

 

Dawlada Somaliya ayaan  marna madaxwaynaha Maraykanka iyo dawladaha kale ee ka taageera dhinacyada amni ga iyo la dagaalanka Budhcad badeedka kala hadal suntan lagu daadiyo badaha Somaliya oo ay ku suganyihiin ciidamada NATO oo ilaaliya budhcad badeedka Somalida.

B2E40155-5497-4B7B-8FE2-9F578727AB43_w640_r1_sDhanka kale Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku maraya dalka Jarmalka, halkaas oo la filayo inuu kulan kula yeesho Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayna ka wada hadlaan dhaqaalaha dunida, Argagixisada, iyo qodobo kale inta uu socdaalka ku joogo dalka Jarmalka.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale booqday dalka Britian halkaas oo ay ka wada xaajoodeen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay Ganacsigu.

Inta uu joogo Jarmalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo Carwo Ganacsiyeed lagu soo bandhigo arrimaha Teknoolojiyadda Casriga ah, taas oo la filayo inay ka qayb galaan illaa 6500 oo ganacsato ah iyo in ka badan 200,000 oo dadweyne booqanaya carwadan. Waxaan dadkani ka kala socdaan illaa 70 waddan.

Aqalka Cad ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso muhiimadda iskaashiga ee Jarmalka iyo Maraykanka gaar ahaan dhinaca Ganacsiga iyo dhinacyo kaleba.

Comments are closed