|

Dhulka Siberia Oo Markii Ugu Horeysay Heer Kulkeedu Gaadhey Meel Aanu Hore U Gaadhin

Siberia 17. July 2017 (SDN/QJ):- Dhulka kaymooleyda ah ee Siberia ayaa heer kulkeedu gaadhey markii ugu horeysay meel aanu hore u gaadhin, sida lagu sheegay daraasad u  sameeyey mac-hadka Gabe Institute of Siberia  iyo Maxadka kale ee  Russian Academy of Science .

Khubarada mac-hadadan ka socotay ayaa sheegay in isbedelka cimilada adduunka ee saamaynta ku yeeshay  caalamku uu yahay mid soo jiidato u sameeyey dhulkan oo markii hore ahaa mid aanay cimiladiisu isbedelin, waxaanu sannadkan noqday heer kulka dhulkaasi mid kor uga kacay sidii hore.

Qoraal dheer oo ay khubaradani ku daabaceen wargeyska Daily Mail ayay ku sheegeen in ay sidan oo kale isu bedeshay  cimilada Siberia sannadkii 1980-naadkii, iyada oo noqotay mid ka diiran qabowga lagu yaqaan.

Qaar badan oo khubaradaani kamid ahina waxay rumaysan yihiin in uu Kulaylkani hoos u dhici doono, iyada oo keeni karta in qarniga soo socda laga haajiro gobolkan, loona guuro dhulka Ruushka intiisa kale.

Waxa kale oo ay qorshaynayaan hadda khubaradani in ay sameeyaan daraasad cusub oo laga samaynaayo dhulka  dhaca badhtamaha Siberia, kaas oo ah 85 ilaa 195 oo Barri ah iyo  51 ilaa 75 oo Waqooyi ah, iyada oo uu ku salaysnaan doono cilmibaadhistani  heerka kulayl ee uu gaadhi doono waqtiyadda Soo socda.

Natiijada daraasad hore oo la  sameeyey ayaa iyadana lagu sheegay in  isku cel celis ay kor u kacday heer kulka dhulkaasi 9.1 C0 , halka sidoo kale  waqtiga xagaagii  ay kor u kacday 5.7 Celcius ,waxa kale oo roobka ay heshaa gaadhi doonaa  60 ilaa 140 mm .

Daraasado hore oo iyagana la sameeyey sannadihii 1960 ilaa 1990 kii ayaa lagu sheegay in aanay nolosha dadku ku haboonayn  badhtamaha Siberia ,gaar ahaana dhulka Barafleyda ah.

Comments are closed