|

Maxaad kala Socotaa Luuqada Ay Laba Qof oo Keliya Ku Hadlaan Dunidda Maanta? Iyo Sababta Dhimaalka ku Keentay!!

Mexico 17. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka Maxico oo ku yaalla latin America waxa ka jirta luuqad lagu magacaabo Ayapaneco, taasi oo dalkaasi lagaga hadli jiray qarniyo badan.

Degaanada ay aad u degnayaanyeen dadkii luqadaasi ku hadli jiray ayaa ka badbadaay qabsashadii gumaysigii Spanishka laakiinse waxa ku dhacay fatahaado, abaaro , dagaalo  iyo kacdoono dhexdooda ah, kuwaasi oo dadka badankoodii ay galaaftay oo ay u dhinteen.

Luqadda Ayapaneco ayaa iyana sida luuqado kale oo badan wakhtigan dabar go’aysa, waxaana maanta ku hadla laba qof oo keliya oo weliba iyagun da’ ah.

Sida lagu daabacay wargeyska Guardain oo Wargayska Dawan soo xigatay labadaasi qof oo da’da ah oo kala ah Manuel Segovia,oo da’diisu tahay 75 sano , iyo Isidro Velazquez  oo 69  sano ah ayaan iyaguna isku fiicnayn oo aan wada hadal lama garanayo sababta keentay muranka ka dhexeeya , iyagoo labadoodu ku nool deegaanka ee Ayapa koonfurta gobolka Tabasco.

Comments are closed