|

Dibad Baxyo Balaadhan oo Lagaga Soo Hor Jeedo Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka oo Ka Socda Dalkaasi DAAWO

Washington 21. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Dibad baxyo balaadhan ayaa ka aloosmay magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka, ka dib markii Madaxwaynaha cusub ee Maraykanaka Mr, Donald Trump loo dhaariyay madaxtinimada dalkaasi isagoo noqonaya Madaxwaynihii 45aad  ee dalkaasi yeesho.

Hase ahaatee, khudbadii Mr, Donald Trump jeediyay markii xilka loo dhaariyay ayaa lagu tilmaamay mid la mid ah markii uu ku jiray ololaha doorashada madaxtinimada dalka  iyadoo u badnayd in uu Maraykanka ka dhigi doono dawlada aduunka dhinac kasta ugu awooda badan, isla markaana xoojin doono arin kasta oo Maraykanka dani ugu jirto.

Geesta kale madaxda iyo siyaasiyiin u dhashay dalalka Faransiiska iyo Jarmalka ayaa dareen walaac  ah ka muujiyay khudbadii Mr, Donald Trump jeediyay, iyagoo ku taliyay in midawga Yurub samaysto qorsheyaal cusub uu ku xoojinayo midnimada iyo difaaca Yurub, iyadoo  aan cidna lagu tiirsanayn .

Comments are closed