Sanca April 07,2012(SDN)-Dablay hubaysan ayaa maanta weerar ku qaaday gagida diyaaradaha ee caaismadda dalka Yaman ee Sanca, taasoo sababtay inay dadku dhintaan madaarkuna xidhmo.
Saraakiisha amaanka ee dalkaasi waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay qaadeen Maleeshiyo hubaysan, oo ka tirsan qabiilka madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr Cali Cabdalla Saalax.
Waxase uu weerarkaani ku soo beegmay maalin ka dib markii madaxweynaha dalkaasi isku shaandhayn ku sameeyey saraakiisha sare ee ciidamada dalkaasi oo ay ku jiraan laba General oo ay isku qoys ahaayeen madaxweynihii hore oo jagooyinkoodii waayey.
Hase ahaatee saraakiishan jagooyijoodii laga badalay amaba laga qaaday oo tiradoodu lagu sheegay ilaa labaatan sarkaal, waxa lagu eedeyaa in ay ahaayeen qaar aad u taageersan madaxweynihii hore oo ku caan baxay musuqmaasuq iyo eexda.
SDN-Sanca
