Uncategorized

Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Sii Amba-qaadi Doona Mooshinka Ka Dhanka ah Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli

Muqdisho:Dec,04,2014(SDN/QJ)-Maanta oo Khamiis ah waxa uu Baarlamaanka somalia Gudogeli doonaa Doodda Mooshinkii dhan ka ahaa Xukuumadda Ra’isal wasaare oo Tododbaadkan Badhtamihiisii loo qaybiyey.

waqXildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka buux dhaafiyey Xaruntooda, waxana dhinacyada Mooshinkan ku kala aragtida duwani doonayaan inay halkaas ku muujiyaan ra’yigooda ku aaddan Mooshinkan xaasaasiga ah oo aan la ogoyn halka uu ku dambayn doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Jawaari ayaa shalay sheegay in Kulanka maanta looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, waxa uuna tilmaamay in galab iyo subax ay shaqeenayaan si loo soo gaba gabeeyo ka doodista Mooshinka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya uu maanta  labada Gelin mid uun uu halkaas tegi doono  si uu u difaaco Xukuumadiisa oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka gudbiyeen eedeemo kala duwana u jeediyeen.

Maalinta Sabtida soo socoto ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumada Soomaaliya, waxaana yar rajada ah in uu Mooshinkan uu ka bad baado R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com