|

“Marka Madaxtooyada Lagu Kala Jarayo Wax Agoonta Somaliland Oo Dhan Ku filan Waxa Sacabka Tuma..” Aadan Siiro DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda dalku marayo, dulmiga iyo arrimo kale oo la xidhiidha gurmadka ay u baahan yihiin dadka Danyarta ahi.

aadan siiroSheekh Aadan-Siiro oo Xaaladda dalku marayo ku tusaaleeyay dhacdooyin taariikhda galay oo adduunka ay kaga tageen asxaabtii Rasuulka (CSW) iyo hoggaamiyayaashii Islaamka soo maray, ayaa sheegay in horumarka bulsho kastaa ku xidhan yahay Cadaaladda, laakiin aanay suurto-gal ahayn in qof xil ka haya Xukuumadda talada haysaa uu kaligii isku koobo oo uu qaato wax bulshada Caasimadda ka dhexeeya, “Inaad tidhaahdo Xilkaasaan hayaa miyey keenaysaa inaad isticmaasho hantida Ummadda, taasi miyey keenaysaa inaad kaligaa qaadato wixii Hargeysi lahayd oo ka dhexeeyay 1.3 Milyanka qof ee ku nool, taasi miyey keenaysaa inaad qaydhinka ku qaybsataan.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan-Siiro waxaanu intaa ku daray oo uu canaantay dad uu sheegay inay ku qanacsan yihiin qorshayaal uu tilmaamay inay Madaxtooyada ka dhacaan, “Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax Agoonta Somaliland oo dhan ku filan, Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax dadka indhaha la’ oo dhan ku filan boqollaal gadhle oo cumaamado waaweyn sita iyo boqollaal Dillaaliin ah ayaa Sacabka tuma.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Sheegay oo uu khudbaddiisii Jimcaha ku soo qaatay ahmiyadda Cadaaladdu u leedahay Aadamaha Gaal iyo Muslim ba, “Dawladdu hadday isku Caddaalad falaan (dadkooda u caddaalad fasho) Gaalaba ha ahaadaane ILLAAHAY wuu ku ilaalinayaa”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inuu ka mid yahay dadka Somaliland darted godobka u galay, hasa-yeeshee aanu is lahayn waxa dhalan doona Kali-taliyayaal, “Waxaan ahay dadka Somaliland ku qanacsan ee godobta badan u galay, laakiin miyaad is leedahay dhulka Somaliland oo dhan koox aan toban ka badnayn baa iska yeelan iyadoo dadku wada hubaysan yahay oo deegaanno kala yihiin, haddaanu is leenahay sidaas ayay noqonaysaa oo kali-taliyayaal baa soo baxaya awood leh oo lacagta iyo taladaba jeebka ku shubta”

Sheekha oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Waxaanu leenahay waar ka daaya kuwii waaweynaa baa sidaa ku dumaye, waar hantida aad kooxaha u samaysateen ka daaya, weliba imika waa la sii cilmiyeeyay oo waxa la odhanayaa hebel halkaa gee lambar 7 ha ka ciyaaro, waayo ? isagaa dillaal weyn ah oo halkaa ku wanaagsane. Shaxdu way dhigan tahay laakiin socon wayday ayaan leeyaahay” ayuu yidhi.

Comments are closed