|

Dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo wada hawlgal dalka lagaga saarayo kooxda Al-Shabaab

Muqdisho Dec31, 2011(qurbejoog.com) Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silc iyo dhibaato kaga imaneysey kooxaha AlShabaab.

Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada kooxaha xag-jirka ah oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.

“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah ee xagjirka ah. Howlgalkan waxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed