|

Ardey Soomaali ah oo Turkiga wax ka barata oo tabaruc geysanaya

Malatya Dec 31,2011(qurbejoog.com)-Ardey Soomaali ah oo deeq waxbarosho ka heshay dalka Turkiga ayaa gacan ka geysta sidii raashin loogu qeybin lahaa dadka danyarta ah ee dalkaas ku nool.

12 ka mid ah Ardeyda wax ka barata gobolka Malatya ayaa si tabaruca waqtigooda u siiya hey’ad samafal ah oo la yidhaahdo Kimse Yok Mu oo quudisa dad dan yarta dalkaas ka mid ah.

Madaxa laanta ay Ardeyda Soomaalida ahi ka hawl gasho Muhammet Nami Güzeler ayaa saxaafada u sheegay in ardeydu si kal iyo laaba gacan uga geysato hawsha samafalka isla markaana ay fahmi karaan muhiimadeeda.

Selma Çoşkun oo ka mid ah dadka goobta lagu quudiyo ayaa sheegtay in Soomaalidu shalay dhibaateysnaayeen maantana ay qeyb ka yihiin gurmadkan ayna tahay wax lagu farxo.

Cabdinasir Irman oo ka mid ah ardeyda Soomaalida ah ee tabaruca uga qeybqaadaneysa Turkiga ayaa saxaafada u sheegay in uu ku faraxsan yahay hawshan uu qeybta ka yahay,”waxaana aan aad u sii farxaa kolkaan arko dadka aanu u adeegno oo maqsuud ah” ayuu yidhi Cabdinasir.

Ardeydan Soomaalida ah ayaa deeqo waxbarasho ka helay dugsiyada sare ee Rahime Batu Anatolian iyo Science High School oo ku yaal Malatya. 

 

Qurbejoog-Malatya

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed