Uncategorized

Dood Cilmiyeed ku saabsan Kobaca hanaanka xisbiyada badan ee Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargaysa

Hargeysa May 06,2012(SDN)-

Dood cilmiyeedka oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ururada iyo axsaabta siyaasadeed ee Somaliland aya a lagaga wada hadlay afar qodob oo kala ah:

1. Maxay yihiin Guulaha iyo isbedelada laga gaadhay hanaanka xisbiyada badan.

2. Sida ay dimuqraadiyadu saamayn ugu yeelatay qiimaynta la sameeyey.

3. Sidee ayay u qabtaan Hawlaha kaga aadan isbedelada qaybaha kala ah: Xukuumadda, bulshada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.

4. Waa maxay hawlaha dhinaca dimuqraadiyada Somaliland ee ay sameeyeen gudiga diiwaangelintu.

Sida la ogyahay 20-kii bishan April ayay ahayd markii gudida diiwaangelinta ururada siyaasaddu ku dhawaaqeen inay ururada qaarkood ku hadheen qiimayntii la sameeyey, halka kuwa kalena ay ka qayb qaadan doonaan doorashooyinka dawladaha Hoose ee soo began.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com