|

Dooni Nooca Dagaalka ah Oo Maamulka Axmed Madoobe Soo IIbsadeen

Kismaayo:July,31,2014(SDN/QJ)-Maamulka Jubba land, ayaa soo iibsatay Hal doon  oo nooca Dagaalka ah, kaas oo loogu talo galay in weerarro badda ah lagu qaado.

tewDoonidan ayaa lagu sheegay mid casri ah, taas oo laga soo iibiyey Kenya. waxana  haatan ay ku jirtaa tijaabo si loo ogaado awooddeeda dagaal iyo hannaanka ay u shaqayn  kartaba.

Inkastoo ay haystaan kooxdan maleeshiyada Raaskambooni gaadiidka tikniko ah,  Haddana waxa jirta cabsi kaga imanaysa dhinaca Kooxda Barre Hiiraale oo ay dagaal ku wada jiraan, waxana labada dhinac ay in muddo ahba ku hawllanaayeen isku hub urursi iyo hanjabaad warbaahinta la isu marinayey.

Barre Hiiraale ayaa ku goodiyey inuu weerar lixaad leh ku qaadayo kooxda  Jubba Land oo saaxiibbo dhaw yihiin ciidamada Kenya, waxana isa soo taraya warwarka la xidhiidha dagaal labada dhinac ku dhex mara deegaanno ay isku hor fadhiyaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed