|

Laba Carruur ah Oo Gaajo ugu Geeriyooday Deegaanada Alshabaab Go’doonka Gelisay

Buulle-burde:July,31,2014(SDN/QJ)-Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa la sheegayaa inay Laba carruur ahi ugu geeriyoodeen Macalluul daran oo haleeshay.

stegMagaalada Buulo burde ayaa ah Magaalo go’doosan oo Ma gali karaan gaadiidka sahayda Magaalada u wada, sababtoo ah Al-Shabaab ayaa go’doomiyay Magaalada Buulo burde.

 

Caruurta geeriyootay ayaa udhaxeeyay da’dooda 1-sano ilaa 2-sano waxaana ay udhinteen gaajo, kadib markii aanay  waxba cunin muddo dhan 14-cisho sida uu sheegay aabaha dhalay caruurtaasi.

Aabaha dhalay caruurta geeriyootay ayaa hada intii kale ee caruurtiisa la aaday Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan si aanay uga geeriyoon.

 

Afhayeenka Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku tilmaamay xaalada Buulo burde mid aan wanaagsaneyn, maadaama Al-Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada.

Ciidamada qabsaday Magaalada ee Amisom iyo kuwa Dowladda ayaa sahayda waxaa loogu geeya Diyaarado Helicopter ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed