Uncategorized

Dooxa Arabsiyo oo Laba Gaadhi Qaaday,Mayd la Helay iyo dad la badbaadiyay

Arabsiyo 05.May 2014 (SDN/QJ)- Laba Baabuur oo ah Nooca loo Yaqaan Indhacade ayaa Caawa uu qaaday Dooxa Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebilay iyadoo laga soo Samato Bixiyay dadkii Saarnaa Labadaas Baabuur,Halka dhinaca kalena la helay Maydka Hal qof oo uu dooxu ka soo qaaday deegaanka Beeyo Qaloocan.

Photo File
Photo File

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C.laahi Cabdi Faarax oo Khadka Telefoonka kula Soo Xidhiidhay Shabakada Qurbejoog.com Xafiiskeeda Hargaysa ayaa Sheegay inay ku war heleen labadan gaadhi oo uu dooxu sii sito Waxaanu Xusay in Dadweyne ka ag dhawaa dooxu ay u Gurmad u fidiyeen dadkii saarnaa labadaas gaadhi oo u badnaa Dumar iyo Caruur isla markaana ay ku guulaysteen inay ka soo saaraan biyaha Waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray in Labadii Baabuur uu dooxu la tegay.

Geesta kale Waxa uu Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C.laahi Cabdi Faarax uu sheegay in la helay Maydka Marxuun la Odhan Jiray khadar Cabdi Cali oo uu dooxani ka soo qaaday Deegaanka Beeyo Qaloocan .

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Waxa uu ku booriyay Gaadiidlayda isticimaasha Wadada Laamiga ah inay ka taxa diraan Xiliga uu  dooxu Socdo, Waxaa kale oo uu Xukuumada ka dalbaday inay Degmada ku soo caawiso Gaadhi Cagaf ah si ay Gurmad ugu sameeyaan Xiliyada uu dooxu rogmanayo.

Arabsiyo SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com